Beledweyne,(insidesomalia.org)- Boqollaal maleeshiyaad hubeysan oo hoos taga Isbaheysiga Dib U Xoreynta iyo Maxkamadaha Islaamka ayaa saaka waabarigii lagu arkay iyagoo soo buuxiyay 4-ta xaafadood ee Magaalada Baladweyne, halkaasi oo difaacyo adag ay ka galeen.
Maleeshiyadaasi oo si caadi ah u socota isla markaana aan wajiyada u duubneyn ayaa lagu arkayaa goobihii ay faarujiyeen xalay Ciidamada Itoobiyaanka,iyadoona aysan si rasmi ah halkaasi u dagin.
Dadweyne aad u fara badan ayaa saaka isugu soo baxay gudaha magaalada Baladweyne si ay u arkaan goobihii ay banneeyeen Ciidamada Itoobiyaanka, iyadoona aan sidoo kale la sheegi karin sababtii Itoobiyaanku u baxeen.
Dhinaca kale waxaa jirta cabsi mar kale laga dareemay gudaha Baladweyne oo la xirirta in askarta Itoobiyaanka ay dib ugu soo laabanayaan Magaalada iyo fariisimahoodii taasi oo keeni karta mar kale dagaallo xoogan in ay dhacaan.